Kelfin
Kelfin (Af Ingiriis : Kelvin; Af Carabi : ar) waa halbeeg lagu xisaabiyo heerkulka. Ereyga Kelfin waxaa loogu magac daray Injineer reer England Baron Kelvin (1824–1904) kaas oo sameeyay Halbeeg cabir dhamaystiran[1].
Halbeegan waxaa loo soo gaabiyaa K (Kelfin).
Qiyaasta halbeegan jabjab ahaan waa 1/273.16[2]). Cabirkan oo inta badan lagu qiyaaso kuleylka iyo qaboowga ayaa wuxuu lambar todoba ka yahay Halbeegyada Caalamiga ah ee dunida.
Marka halbeega Kelfin loo bedelaayo Salsiyas waa +273.16.
Tusaale ahaan haddii heerkulka maanta yahay 30 °C markaad Kelfin u bedelayso waa +273.16 taas oo u dhiganta 303.16 K.
Taariikhda Kelfinka
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Isbarbardhiga Halbeegyada
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Kilven waxa uu ka midyahay halbeega cabir ee heerkulka waxaana loo suntaa (K), waxa uu lamid yahay cabirada kale ee lagu cabiro kuleelka.
Derajada Kilven = sentigaret + 273,15, oo udhiganta K = °C + 273,15
Darajada Kilven = (Fahrenhayt + 459.67)/1.8 K = (°F + 459,67) / 1,8
Halkaan waxaad ka arki kartaa sida la isugu bedbedeli karo
ka | Loo bedalay | Habka |
---|---|---|
kelvin | Celsius | T(°C) = T(K) - 273,15 |
kalsius | kelvin | T(K) = T(°C) + 273,15 |
kelvin | Faaranhaayt | T(°F) = (T(K) × 1,8) - 459,67 |
Faaranhaayt | kelvin | T(K) = (T(°F) + 459,67) / 1,8 |
Halbeegyo Kale
[wax ka badal | wax ka badal xogta]- Salsiyas
- Fahrenhayt
- Rankine
- Delisle
- Newton
Xigasho
[wax ka badal | wax ka badal xogta]
[2])
- ↑ . Bureau International des Poids et Mesures http://www.bipm.fr/en/CGPM/db/13/4/. Soo qaatay 2008-02-06. Maqan ama ebar
|title=
(caawin) - ↑ 2.0 2.1 . Bureau International des Poids et Mesures. pp. Section 2.1.1.5 http://www.bipm.org/en/si/si_brochure/chapter2/2-1/kelvin.html. Soo qaatay 2012-08-27. Maqan ama ebar
|title=
(caawin)